Abwaan Shube oo Dowladda Federaalka u Magacowday Maareeye

Published: December 21, 2019

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe’ ayaa loo magacaabay Maareeyaha guud ee gollaha murtida iyo madadaalada ee dowladda Federaalka Somaliya

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu magacaabay Abwaan shube, Sidoo kalena isla wareegtadaasi waxaa xilka looga qaaday maareeyihii hore Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da.

Abwaan shube ayaa hore u madax uga ahaa kooxda Fanaaniinta Waaberi Puntland oo uu isagu asaasay, kooxdan ayaa hoos tagi jiray wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta dowladda Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Maanshallah abwaan shube waa shakhsi soomaali kuwaayn oo xilka u qalma hanbalyo macalinka soomaaliyeed abwaan shube