Adduunka oo maanta laga xusaayo “Maalinta nabadda”

21 September, 2023

Maanta oo taariikhdu tahay 21 Siteembar ayaa ah maalinta Qaramada Midoobey u asteysey in ay noqoto…

Maanta oo taariikhdu tahay 21 Siteembar ayaa ah maalinta Qaramada Midoobey u asteysey in ay noqoto maalinta nabadda ee caalamka.

Sanadkii 1981 ayaa shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey isku raaceen 21 Siteembar in ay noqoto maalinta nabadda, waxaa maanta oo kale meelo kala geedisan oo dunida ah lagu qabtaa shirar looga hadlaayo muhimadda ay nabaddu leedahay.

Xuska maalinta nabadda ee sanadkan 2023 ayaa halkudhig looga dhigay: “Actions for Peace: Our Ambition for the #GlobalGoals.”

Xuska maalinta nabadda Adduunka ayaa inta badan ku soo beegma xiliga loo fadhiyo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana uu sanadkan ku soo beegmayaa iyada oo Soomaaliya ka socdaan dagaalo la doonaayo in nabad lagu hel kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo malayshiyaad is ahaystey iyo malayshiyaadka argagxisada al-Shabaab.

Maqaal dheer oo ku saabsan Muhimadda ay nabaddu leedahay halkan ka akhri