Afgaanistaan: Taliban oo amar ku soo rogtay haweenka dalkaasi

Published: December 25, 2022
Shares12

Taliban ayaa soo saartay amar haweenka Afgaanistaan looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn.

Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xiran.

Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay Jaamacadaha.

Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay tallaabadaasi iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah.

Horseed Media