Afghanistan: 20 qof oo ku dhimatay qarax lala beegsaday Masaajid ku yaal Kabul

Published: August 18, 2022

Weerarkan xalay ka dhacay caasimada Afghanistan ayaa lala beegsaday masaajidka Siddiquiya oo ku yaal xaafada Khair Khanna ee waqooyiga magaalada Kabul.

Maamulka Talibanka ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin qaraxan oo noqonaya kii ugu danbeeyey ee khasaaro badan ka dhasha, ma jirto koox sheegatay weerarkan hase yeeshee waxaa la filayaa inay ka danbeyso kooxda Daacish oo horey sidan qaraxyo ulla beegsaday goobaha lagu cibaadeysato.

Kooxda Daacish garabkooda Afghanistan ee loo yaqaan ISKP ayaa bilihii lasoo dhaafay dadar gelisay weerarada ay ka geysanayaan caasimada Afghanistan.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey kooxdan qarax ku dishay Shiikh Rahimullah Haqqani oo kamid ah hogaamiyayaasha kooxda Talibanka ee maamusha wadankaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *