Afghanistan: Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay saldhig ku yaalla Kabul

Published: January 1, 2023
Shares44

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga ciidamada cirka oo ku yaalla caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Abul Nafy Takoor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxa, isagoo intaas ku daray in maamulku uu baarayo shilkaasi.

Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan ka dhacay albaabka xaruntan ciidan ee ku dhow garoonka diyaaradaha caalmiga ah ee Kabul, sida ay AFP ka soo xigatay Abul Nafy Takoor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

Maamulka Taalibaan ayaa sheegta in ay hagaajiyeen amniga tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen xukunka Ogosto 2021-kii laakiin waxaa dhacay qaraxyo iyo weeraro badan, oo ay qaar badan sheegatay kooxda ISIS.

Boqolaal qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Afghanistan ayaa lagu dilay laguna dhaawacay weerarro tan iyo markii Taalibaan ay xukunka dib ugu soo laabatay.

Horseed Media