Agaasimaha cusub Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilka la wareegay

Published: January 26, 2022

Munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, masuuliyiin ka kala socotay hanti dhowrka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdullahi Salaad Xuseen, kaas oo dhawaan ku soo baxay tartan Daah-furan oo ay ka qeyb galeen Boqol Konton iyo Afar Qof.

Ugu Horeyn Hanad Xasan oo kamida La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in booska uu ku soo baxay Agaaasimaha cusub ee maaliyadda Cabdullahi Salaad Xuseen uu ahaa mid uu tartan adag u galay, isla markaana ugu dambeyn uu ku guuleystay kadib qiimeyn dhinacyo badan oo ay sameeyeen gudigga qaadayey imtixaanka oo ka kobnaa qubarro kala duwan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munaasabadda soo xirtay ayaa Agaasimihii hore uga mahadcelisay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay, waxayna dhinaca kale Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda kula dardaarantay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday oo ay sheegtay inuu yahay mid dhib badan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *