Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo guddoomiyay shirka isku xirka u qeybsanayaasha Safaaradaha

Published: February 10, 2022

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyay shirka isku xirka u qeybsanayaasha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada caalamka.

Shirka u qeybsanayaaaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo lagu qabtay habka fogaan aragga ayaa waxaa ka qeybgalay 20 u qeybsane oo safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay joogaan ka bixiyaan adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka Soomaaliya.

Uqeybsanayaasha Hay’adda ee Safaaradaha ayaa waxay shirka ku soo gudbiyeen warbixinada la xiriirta arimaha Socdaalka, heshiisyada iyo habraacyada cusub ee dalalka ay ka howlgalaan, sidoo kale waxay soo gudbiyeen xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalalka ay ka howlgalaan. Shirka u qeybsanayaasha ayaa waxaa goobjoog ahaa Waaxyaha Jinsiyadda, Kontoroolka Xuduudaha, Ajaanibta, shaqaalaha, Howlaha, Xiriirka Dibedda iyo Waaxda Baarista Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa u qeybsanayaasha Hay’adda Socdaalka u sheegay in uu waajib ka saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada ay ka bixiso Hay’adda safaaradaha dibedda, isla markaana lagula xisaabtamayo waajibaadkooda shaqo oo ay u joogaan dalalka ay ka howlgalaan.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdul ayaa ku howlan dardargelinta adeegyada Hay’addu ka bixiso safaaradaha dibadda iyo in laga jawaabo baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku sugan wadamada caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *