Agaasimihii Soomaaliweyn oo xalay Muqdisho lagu diley

Published: February 29, 2012

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu toogtey weriye AbuukarXasan Kadaf oo ahaa agaasimihaIdaacaddii Soomaali weyn.

AbuukarXasan Kadaf ayaa waxaa ku toogtey iridda hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir labo nin oo baaskoolado ku hubeysnaa.

Dableyda falkan dilka ah geystey oo aan ilaa hadda haybtooda si cad loo aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay soo gaaray waxayna sameeyeen baaritaanno lagu raadgoobayo cidii falkaas ka danbeysey.

Weriye AbuukarXasan kadaf wuxuu agaasime ka ahaa Idaacaddii Soomaliweyn taas oo ay Shabaabku xiligii ay Muqdisho ku xooganaayeen xireen.

Wuxuuna noqonayaa weriyihii 2-aad ee magaalada Muqdisho lagu dilo intii laga guda jirey sanadka 2012, dhowaanna waxaa Muqdisho lagu diley agaasimihii Idaacadda Shabeelle.

 

Horseed Media