Ajanabi Soomaaliya ka gaystay fal dhif iyo naadir ah oo baxsaday

Published: December 23, 2019

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee  Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dalka uu dhawaan ka baxsaday nin ajnabi ah oo dharbaaxay gabar Soomaaliyeed.

Ninkaas ayaa waxaa ay Wasiiradu sheegtay in uu kamid ahaa dhaqaatiirta isbitaalka masaarida una dhashay dagalkaasi Masar, hayeeshee maalin cad uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Iyada oo hadal ka jeedineysay kulankii Golaha Shacabka ayay sheegtay in ninkaasi markii shaqaalaha isbitaalka loo diidey lacag ay lahaayeen la siiyo sidaasina uu ku dharbaaxey.

Sidoo kale ninkaas ayaa wasiiradu sheegtay in la xirey markii uu dharbaaxey gabadha Soomaaliyeed, hayeeshee damiin lagu siideeyey, sidaasina uu dalka uga baxsaday.

Ugu dambeyn xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *