Al Shabaab oo 35 Xarumood oo Shirkadda Hormuud Leedahay Shaqada Ka Joojiyey.

Published: August 9, 2023

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa xanibaad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dalka ee dhanka isgaarsiinta.

Xanibaada kooxda Al-shabaab ay kusoo rogtay shirkada Hormuud ayaa salka ku haysa amar kooxda al Shabaab kasoo baxay kooxda oo ay shirkaddu diiday iney fuliso.

Amarka khilaafka uu ka dhashay ee kasoo baxay kooxda ayaa la sheegay inuu ahaa in shirkada Hormuud ay joojiso nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya ee loo mariyo Salaama Bank oo ay ciidamada ku helaan taleefanadooda, kaasoo shirkadda Hormuud ay diiday iney joojiso.

Ilaa 35 xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay qaar kamid ah gobolada dalka ayaan hadda shaqeyneyn oo xanibaadu saameysey.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada ma jiro bayaan rasmi ah oo kasoo baxay kooxda oo cadeynaya wararkan la xariira in Shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud, hayeeshe waxaa xusid mudan in kooxda ay horay uga xayirtay deegaanada ay ka taliso dhaqdhaqaaqa gaadiidka shirkada.

Horseed Media