Al-shabaab oo Baydhabo ka baxay

Published: February 22, 2012

Ciidamada DKG ah iyo kuwa Itoobiya ayaa galabta la wareegey gacan ku haynta degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in mileeshiyada Al-shabaab oo magaaladani ay fariisin weyn u ahayd ay ka bexeen iyadoo aan wax dagaal ahi dhicin..

Wararka ayaa sidoo kale shegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKG ahi ay durba bilaabeen inay isku balaariyaan gudaha magaalada iyo wadooyinka waaweyn.

Waxaana maanta magaalada Baydhabo ka barakacay qoysas badan kuwaasoo u cararay deegaano kale oo gobolka Baay ka tirsan kadib markii ay ka baqeen in lagu kor dagaalamo.

Dhinaca kale wax goor hore oo maanta ah ciidamadan is garabsanayaa ay Shabaabka ka qabsadeen degmada Ber-daale oo iyaduna ahayd deegaan ay si aad ah ugu xooganaayeen.

Waxaana sida wararka lagu helayo xoogaga Shabaab ee Baydhabo maanta faaruqiyey ay u jiheysteen dhanka deegaanada Iidaale iyo Diinsoor.

Ka bixitaanka Shabaab ee degmada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan ay la midoobeen shabakadda Al-qaacida, waxaana dhowr todobaad kahor sidan oo kale looga qabsaday degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Horseed Media