Al-shabaab oo ka jawaabtey eedeyntii uga timid HRW

Published: February 22, 2012

Saraakiisha sar sare ee xarakada Al-shabaab ayaa ka jawaabey eedeyn uga timid hay`adda xuquuqul Insaanka u doodada ee Human Rights Watch.

Eedeyntaas ayaa ahayd in kooxaha Soomaaliya ku dagaalamaya gaar ahaan Shabaabku ay askareeyaan caruur aad u da`yar kuwaas oo ay si khasab ah u dagaal geliyaan.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Cabdulcasiis (Abu-muscab) oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in eedeynta HRW ay tahay mid aysan waxba ka jirin.

Wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin caruur ay Shabaabku askareeyaan haseyeeshee warbixinta HRW ay tahay mid khilaafsan da`da ay diinta Islaamku cadaysey in lagu qaan gaaro taas oo ah 15-sano.

Abu-muscab ayaa dhinaca kale tilmaamay in diinta Islaamku ay jideysey in haweenka iyo caruurtuba ay dagaalami karaan hadii dhulka dadka muslimiinta ah lasoo weeraro.

Hadalkan kasoo baxay Al-shabaab ayaa imaanaya maalin kadib markii ay hay`adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadlaysey askareynta ubadka yar yar ee Soomaaliyeed.

Warbixintaas oo ahayd mid dhinacyo badan taabaneysey ayaa si gaar ah loogu dhaliilay Al-shabaab oo hay`addaasi ay tilmaanay inay caruurta askareeyaan dumarkana ay xoog ku guursadaan.

 

Horseed Media