Al-Shabaab oo laga saarey kaymaha Cali Fooldheere ee Shabeelada Dhexe

Published: October 4, 2023

Malayshiyaadka al-Shabaab ee bishii la soo dhaafey soo galay kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa lagu guuleystey in laga saaro halkaas kayaha ay ku dhuumaneeyeen.

War ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in howlgal wadajir ah malayshiyadka Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.

ATMIS oo qoraal kooban ku baahisey barta X ee horey loogu aqoon jirey Twitter ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeybta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaalkan al-Shabaab looga soo eryay webiga dhankiisa bari ayaa ahaa weerar saf ballaaran oo dhulka ah iyo madaafiicda goobta, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere.

Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.”

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle.