Al Shabaab oo madaafiic ku weeraray ciidamo Kenyan ah

Published: February 6, 2012

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Xarakada Al shabaab ay maanta hoobiyaal ku duqeeyeen fariisin ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada ku leeyihiin deegaanka Qooqaani.

Dadka ku nool Qooqaani ayaa sheegay in ay maqlayeen saakay oo dhan madaafiic xoogan oo kusoo dhaceysay duleedka deegaanka gaar ahaan fariisimo ay duleedka magaalada ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Waxaa sidoo kale jiray madaafiic xoogan oo ay tuurayeen cidamada dowlada iyo kuwa Kenyanka oo ahaa jawaab kuwaasi oo ay la eeganayeen meelaha laga duqeynayey sida ay inoo sheegeen dad goob joog ah.

Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeymaha ay maanta isku weydaarsadeen duleedka deegaanka Qooqaani ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Dhanka kalana afhayeenka milatariga Kenya Majo. Emanuel Chirchir oo la hadlay wakaalada wararka dalka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay Jimcihi lasoo dhaafay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabaab ay jab weyn ku gaarsiiyeen.

Mr. Chirchir wuxuu tilmaamay in ay ku bur buriyeen duqeyntaasi saanado ay wayeen Al Shabab sidoo kalana ku dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabab.

Al Shabaab wali kama hadlin sheegashada Kenya, waxaase ay ka wadaan dagaalo meelo badan oo ka tirsan Jubada Hoose.

 

Horseed Media