Al-shabaab oo shirqool ku tilmaamay shirka London

Published: February 13, 2012

Saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa ku tilmaamay shirka 23-da bishan ka furmaya magaalada London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo mid lagu shirqoolayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Al-shabaab (Cali-dheere) oo maanta goob fagaare ah oo ku taal deegaanka Calamada kula hadlay kumanaan qof oo isu soo baxay ayaa sheegay in shirka Ingiriisku marti gelinayo uu yahay mid la rabo in Soomaaliya gumeysi cusub lagu geliyo.

Wuxuuna intaas ku daray in aysan marnaba ogolaan doonin go`aamada shirkaas kasoo baxa isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay shirkaas qaadacaan maadaama uu yahay mid la rabo in diintooda looga fogeeyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sh.Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere) oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa docda kale soo hadal qaaday midowga Shabaab iyo Al-qaacida oo todobaadkii aynu kasoo gudubney shaaciyey inay mideysan yihiin.

Wuxuuna tilmaamay in midowgoodu uu yahay mid umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan guul u ah haseyeeshee ay taasi niyad jeb iyo wel wel ku abuurayso dad badan oo aan horumarka Islaamka jeclayn.

Waa markii ugu horeysey oo ay Shabaabku si cad uga hadlaan mowqifkooda ku aadan shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono ee ay dowlada Ingiriisku martigelisey kaas oo furmi doona 23-da bishan socota ee Feb 2012.

 

Horseed Media