Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Raage-Ceele, Sh/Dhexe

Published: January 23, 2021

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen maanta oo Sabti ah deegaanka Raage Ceel ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Xoogaga Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo buuxiyey tuulooyinka ku dhaw Raage-Ceele oo dhanka barri uga beegan caasimada Hirshabelle ee Jowhar.

Ciidamada Dowlada ka joogay deegaanka Raage Ceele ayaa la sheegay inay isaga baxeen dhulkaasi kadib markii uu cadaadis uga yimid Al Shabaab oo asbuucyadii lasoo dhaafay soo xoojiyey maleeshiyaadkooda ka hawlgalaya gobalkaasi.

Al Shabaab ayaa sidoo kale maleeshiyaad baddan geysay nawaaxiga degmada Balcad ee isla gobalkaasi, dhaq-dhaqaaqa xoogaga Al Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sidoo kale laga dareemayey maamulka ay Hirshabelle deriska yihiin ee deegaanada Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *