al-Shabaab oo weeraray saldhigga Daaru Nicma oo ku yaala Shabeelada Dhexe

Published: March 26, 2024
Shares58
Ciidamada Dowladda oo ku sugan Daaru Nicma

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in malayshiyaadka argagixisada al-Shabaab ay mar kale weerareen Saldhig ciidan ee ku yaaley Daaru Nicma ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Waxay intaa ku dareen wararku in ciidanku ay ka sii war heleen in Al Shabaab weerar soo yihiin, ka dibna ay xerada u baneeyeen, maadaama cabsi laga qabey weear xooggan oo qaraxyo ku bilowda, laakinse ay meel dhexe labada dhinac isaga hor yimaadeen oo sidaas uu dagaal ku dhex maray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la socda xogta weerarkaas ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, laakinse aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada inta lagu jiro bisha Ramadaan, waxaana ay caan ku yihiin in 17 Ramadaan ay qaadaan weerar joogto ah. Bishan Ramdaanka waxay fuliyeen dagaaladii ka dhacay Busleey, Sanguuni, Xinlabi, SYL Hotel iyo kan hadda ee Daaru Nimca.

Daaru Nimca ayaa ah goob istaraatiiji ah oo al-Shabaab laga xoreeyey bilowgii 2023, dhamaadkii bishii Juun 2023 ayaa malayshiyaadka al-Shabaab weerareen saldhigga Daaru Nimca, sidoo kale waxay mar kale weerareen bishii September 2023.

Horseed Media