Al-shabaab: ” R.kaanbooni ilaa Casayr ayaan isku xiraynaa”

Published: February 26, 2012

Sh. Cali Maxamed Maxamuud Raage oo ah afhayeenka ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadoodu ay isku baahin doonaan dhamaan gobolada dalka.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa mar uu ka hadlayey Idaacadda afka ururkaas ku hadasha ee Al-andalus wuxuu sheegay inay isku balaarin doonaan inta u dhexeysa labada Raasi ee Kaanbooni iyo Casayr.

Wuxuuna intaas ku daray inay u dagaalami doonaan si adag si ay dalka uga saaraan gumeysteyaasha gaalada ah ee kusoo duuley waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale afhayeenka ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin midowga dhex maray iyaga iyo ciidamada Sh.Atam arintaas oo uu Cali-dheere guul ku tilmaamay.

Hadalkan kasoo yeeray Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii lasoo dhaafay ay ka baxeen deegaano badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Al-shabaab oo dhowaan xubin rasmi ah ka noqday urur weynaha Al-qaacida ayaa sidoo kale shalay shaaca ka qaaday inay la midoobeen xoogaga ciidamada Puntland ay kula dagaalamaan buuraleyda Golis, arintaas oo afhayeenka Shabaabku uu ku tilmaamay inay tahay mid muujinaysa sida ay cududoodu maalinba maalinta ka danbeysa usoo xoogeysanayso.

 

Horseed Media