Al Shabab oo dagaalhanayo cusub tababar ugu soo xiray degmada Ceelbuur

Published: February 7, 2012

Maamulka Al Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa tababar ugu soo xiray degmada Ceelbuur dagaalyahano cusub oo ay sheegeen in ay u dageesanayaan dagaalada.

Munaasabad ka dhacday shalay gelinki danbe fagaaraha degmada Ceelbuur ayey saraakiisha Al Shabaab kusoo bandhigeen dhalinyaro fara badan oo laga soo aruuruiyey deegaanada u dhaw dhaw Ceelbuur kuwaasi oo maalmahan tababaro lagu siinayey xero ku taala halkaasi.

Kusimaha gudoomiyaha Galguduud ee Xarakada Al Shabaab oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ugu tala galeen dagaalyahanadan cusub in ay weerarayaan deegaanada ay ka taliso Ahlu Sunna ee gobolka Galguduud.

“Waxaan rabaa inaan ka warbixinmo munaasabadi ka dhacday halkan aan joogno, dadkaan waa mujaahidiin cusub maalimihi lasoo dhaafay ayaan ka diyaarinay laba qodob, oo kala ah in howsha ay hayaan oo si fiican loo soo baray, qodobka labaadna waa in ay cadawga la dagaalamaan,” ayuu yiri.

Al Shabab ayaa maamusho deegaanada bari ee gobolka Galguduud iyo kuwa xeebaha ah, waxaana xarun u ah magaalada Ceelbuur.

Horseed Media