Al Shabab oo sheegtay qaraxi Beledweyne iyo ciidanka Itoobiya oo dad rayid ah laayey

Published: February 1, 2012

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay qaraxi saakay ciidamada Itoobiya lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay idaacada Andalus ee ku hadasho codka Al Shabab in ay qaraxi saakay ku laayeen ciidamo badan oo Itoobiyaan kuwaasi oo ku lugeeynayey xaafada Nuur Xawaad.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne iyo kuwa maamulka Dooxada Shabelle ee ku sugan magaalada.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in ay ku dileen agagaarka Buundada Koowaad ilaa iyo 8 ruux oo rayid ah kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay fureen waxyar kadib marki saakay la qarxiyey.

Dadka dhintay waxaa ku jira arday iyo macallimiin wax ka barta iskuulada magaalada Baladweyne, sidoo kale waxaa lasoo warinayaa dhaawacyada ilaa iyo 5 kale oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka.

 

Horseed Media