Amiirkii Dalka Kuwait Oo Geeriyooday

Published: December 16, 2023

Amiirkii Kuwait, Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah ayaa dhintay isagoo 86 jir ah, sidaas waxaa ku dhawaaqay telefishanka Kuwait.

Amiirkan ayaa hogaaminayey dalkan qaniga ku ah saliidda saddexdii sano ee lasoo dhaafay kadib markii uu kala wareegay walaalkiis, Sheekh Al-Axmed Al-sabah.

“Murugo iyoayaan ugu baroor diiqaynaa geerida Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah” ayaa lagu sheegay bayaan lagasii daayey telefishanka.

Sheekh Nawaaf ayaa loo magacaabay amiirka dhaxal sugaha ah dalkaas sannadkii 2006 wuxuuna noqday Amiirka rasmiga ah ee dalkaas, sannadkii 2020.

Horseed Media