Aqalka Sare oo waxba kama jiraan ka soo qaadey Xeerarkii Aqalka Hoose soo saarey

Published: July 7, 2020

Qoraal dheer oo ka soo baxay Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa mar kale lagu caddeeyey in ay yihiin waxba kama jiraan xeerarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Shacabka ee la sheegay in lagu dhamaystiraayo habraaca doorashada.

Qoraalkan oo u qoran hab sharci ah cuskanaya qodobo dastuuri ah ayaa sheegay in ugu horreynba lagu been abuurtey soo jeedintii guddigii isku dhafka ahaa ee labada aqal ee dhamays-tirka habraaca doorashada, markii danbena lagu sii socdey sharci darradii iyo been abuurkii.

Qodobada Aqalka sare ay ku tilmaameen sharci darrada ee golaha Shacabku meel mriyey waxaa kamid ah metalaada gobolka Banaadir ee Aqalka sare, waxaana ay u soo jeediyeen in ay dib ugu laabtaan Dastuurka sida uu dhigayo habraaca iyada oo la isla akhrinayo qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal.

Hoos ka akhri Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *