Askari katirsan Ciidamada Somaliland oo dil geystay oo toogasho lagu xukumay

Published: May 7, 2023
Shares40

Maxkamada Ciidamada Somaliland, darajadeeda koowaad ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdilaahi.

Dable Axmed ayaa Arbacadii hore ku dilay magaalada Lawya-caddo ee Gobolka Salal Saddex Xarigle Khadar Maxamed Caynaanshe(Xabeeb).

Dable Axmed iyo Marxuumka uu diley ayaa ka wada tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal iyo maayirka Degmadda Boorama oo ka hadlay go’aanka maxkamada ayaa soo dhoweeyey.

Horseed Media