Askari katirsan ciidamda Dowladda oo Darawal mooto Bajaaj ku diley magaalada Muqdisho

Published: January 21, 2023

Darawal mooto Bajaaj oo lagu magacaabo Maxamed Xayle ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Marxuum Maxamed Xayle ayaa u dhintey xabad la sheegay in uu riday askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya.

Falkan dilka ah ayaa ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho, waxaana la sheegaya in marxuumka uu mootada ku waday hooyadiisa iyo walaashiisa.

Dhacdooyinka ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey caasimadda dalka ee Muqdisho, iyadoo ay dowladdu sheegtay in ay wax qaban doonto.

Horseed Media