Atoorihii Caanka ahaa ee Sean Connery oo geeriyooday

Published: October 31, 2020

Sean Connery ayaa ahaa 90 sano jir, wuxuuna kamid noqday atoorayaashii ugu caansanaa caalamka isagoo si weyn loogu xasuusto filimaantii uu kusoo caanbaxay ee (James Bond).

Sir.Connery ayaa kasoo jeeday qoys sabool ah oo ku noolaa magaalada Edinburgh ee ismaamulka Scotland, wuxuuna sidoo kale soo noqday askari, kahor intuusan noqon atoore. Sean Connery ayaa joojiyey jilitaanka sanadkii 2003.

Filimkii ugu horeeyey ee James Bond ee uu atooraha ka noqday ayaa ahaa “Dr. No” oo lasoo saaray sanadkii 1962.

Wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn ugu ololeeya in Scotland noqoto dowlad madax-banaan, wuxuuna si weyn ugu faani jiray qabiilka uu kasoo jeedo ee loo yaqaan MacLeod clan.

Wasiirka Kowaad ee ismaamulka Scotland Mrs. Nicoal Sturgeon ayaa ka tacsiyeysay geerida Connery.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *