Ayax ku degay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Published: December 23, 2019

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax uu ku degay qaar ka mid ah Gobolka Gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa shalay ku soo degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Dadka beeraleyda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku degay ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *