Baarlamaanka Federaalka oo meel mariyay xeerka qoondada Haweenka

Published: June 21, 2020

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeeshay xaruntooda KMG waxa ay ku meel mariyeen xeerka qoondada Dumarka ku yeelanayaan Baarlamaanka iyo sida loo soo dooranayo.

Xildhibaannada ayaana shalay iyo maanta dood kulul ka yeeshay xeerkan qoondada Dumarka, waxaana ugu dambeyn Xildhibaannadu ay cod u qaadeen meel marinta ama diidmada xeekan ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cod galiyay xeerka qoondada Haweenka gaar ahaan in Kuraasta Dumarka aysan Rag kula tartamin, waxaana xeerkan u codeeyay in la meel mariyo 134-Xildhibaan , waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 7-Xildhibaan.

Guddoomiye Mursal, oo kulanka shir guddoominayay ayaa ansixinta kadib sheegay in xeerkan ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka uu yahay ansax.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *