Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ansixiyey Codsi Ka Yimid Madaxweyne Guudlaawe

Published: February 1, 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle ayaa ansixiyey codsi ka yimid madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo maanta hortagey baarlamaanka.

Fadhiga kulanka golaha wakiilada ayaa waxaa shir gudoomiyey guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan oo uu wehlinaayo kuxigeenkiisa 2aad, wuxuuna ajanduhu ahaa muddo kordhinta dhismaha xukuumadda.

Guddoomiye Luqmaan ayaa xildhibaanada u faah faahiyey sida ay muhiim u tahay in Madaxweynaha la siiyo waqti ku filan, si uu u soo magacaabo golihiisa wasiirada, xili horey xildhibaanadu waqtiga magacaabista xukuumada u kordhiyeen Guudlaawe.

54 mudane ayaa aqbalay, mana jirin wax diiday ama ka aamusay, waxaana natiijada markii dambe ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Muxumed oo shaaciyay in Codsiga la meel mariyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *