Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi qubaro ah u saaraya kiiska Ikraan Tahliil

Published: June 13, 2022

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Ikraan ku metalo Golaha Shacabka ayaa baarlamaanka ka hor sheegay inay muhiim tahay in guddi loo saaro kiiska sarkaaladdaasi oo ka tirsaneyd  NISA, isla-markaana arrinteeda ay soo cusboonaatay, kadib wareysigiii Fahad Yaasiin.

Intaas, kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka uu ka hadli doono kiiska Ikraan, ayna u saari doonaan guddi qubaro ah.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa maqan muddo sanad ah, waxaana marka la waayey, kadib hay’adda NISA ay shaacisay inay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *