Badhaadhe: Ciidamada DKG iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya iyo Al-shabaab oo dagaalamay

Published: February 27, 2012

Waxaa maanta uu dagaal ku dhex maray inta u dhexeysa degmooyinka Badhaadhe iyo Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose ciidamada DKG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo xoogaga Al-shabaab.

Dagaalka oo bilowday kadib markii ay dagaalyahano Shabaabka ka tirsani weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamada Kenya wateen ayaa mudo saacado ah socdey.

Labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay ayaa dagaalkaas guulo ka kala sheegtay in kasta oo aan weli lasoo sheegin dad rayid ah oo ay iska hor imaadkaas oo gelinkii hore ee maanta dhacay waxyeelo kasoo gaartey.

Mas’uuliyiin dowladda KMG ah ka tirsan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda weerarkaas kasoo gaarey haseyeeshee ay iyagu dileen dhowr iyo toban ka tirsan dagaal yahanada kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in dagaalkaas ay guul weyn kasoo hoyeen kadib markii ay dileen 7-askari oo ka tirsanaa ciidamada huwanta islamarkaana ay gubeen labo kamid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen.

Dagaalka maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmada Badhaadhe iyo deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda hoose ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii u danbeeyey aysan dagaalo badani ka dhicin gobolada Jubbooyinka.

 

Horseed Media