Balcad: Dad saarnaa Bas oo ku geeriyooday Qarax Miino

Published: April 14, 2021

Ilaa inta la xaqiijiyay 15 ruux oo saarnaa gaari Bas ah ayaa ku geeriyootay Miin dhulka lagu aasay oo ku qaraxday Waddo laami ah oo gasha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe .

Sida ay sheegayaan wararka gaariga ay miinadu la qaraxday ayaa ka tagay magaalada Muqdisho waxaana uu kusii jeeday degmada Balcad iyadoona uu qaraxa ku haleelay Buundo ku taala Kantaroolka laga galo degmada Balcad.

Inta la ogyahay 4 ruux oo uu kujiro Wadihii gaariga ayaa ka badbaaday Qaraxa Miino ,waxaana dadkii ku dhaawacmay Qaraxa la geeyay cisbitaalka degmada Balcad.

Dhowr jeer oo hore waxaa sidan oo kale qarax miino lala eegtay gaadiid ku safrayay wadada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo gobolada Shabeelaha Hoose iyo SH.Dhexe iyadoo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ee ku safra wadadan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *