Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Karakas iyo magaalooyinka kale ee dalka Venezuela,…
Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Karakas iyo magaalooyinka kale ee dalka Venezuela, kadib guushii lagu murmay ee madaxweyne Nicolas Maduro uu ka helay doorashadii madaxtinimada ee Axaddii dhacday.
Guddiga doorashada ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Nicolas Maduro uu helay in ka badan 51% cododka, halka murashaxa mucaaridka uu helay 44.2%.
Mucaaradka ayaa diiday natiijada, iyagoo ku andacoonaya in natiijada aysan u dhigmin codadka la dhiibtay.
Hogaamiyaha mucaaradka Maria Corina Machado ayaa Isniintii sheegtay in ay heystaan in ka badan 70% codadka la tiriyay. Walow aysan wax cadeyn ah soo bandhigin.
Mudaaharaadyada ayaa markii hore ka bilowday bartamaha caasimada Karakas ka dibna waxay bilaabeen inay si xawli ah ugu fidaan magaalada iyo qaybaha kale ee dalka.
Waddooyinka ayaa lagu xiray taayaro dab la qabadsiiyay, ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa adeegsaday, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha oo ku sii siqaya qasriga Miraflores ee Madaxtooyada dalkaasi.
Horseed Media