Bangaladhesh: Kumanaan kun oo ka qeyb qaatay Mudaharaad looga soo horjeedo FRANCE

Published: October 27, 2020

Waxaa maanta oo Salaasa ah magaalada Dhaka ee caasimada Bangaladhesh ka dhacay banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dowlada France gaar ahaan Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xisbiga Islaamiga ah ee dalkaasi ee loo yaqaan Islami Andolon Bangladesh (IAB), waxaana la sheegay in dadka ka qeyb qaatay banaanbaxan ay ka badnaayeen 40-kun oo qof.

Shacabka ayaa socodkooda kasoo bilaabay Masaajidka ugu weyn ee magaalada Dhaka ee Baytul Mukarram iyagoo doonayey inay socod ku tagaan Safaarada Faransiiska, waxaase ka horjoogsaday ciidamada Booliiska.

Banaanbaxan oo si nabad ah ku dhacay ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyey qaar kamid ah Madaxda xisbiga Islaamiga ah oo ku tilmaamay Madaxweynaha Faransiiska Macron inuu Shaydaanka Caabudo, waa siday hadalka u dhigeenee.

Waxay sidoo kale dadkii kasoo qeyb galay mudaharaadkaasi ku baaqayeen in la takooro dhamaan wax-soo-saarka Shirkadaha laga leeyahay France iyo alaabta dalkaasi laga keeno.

Horey ayey u bilaabeen qaar badan oo kamid ah dunnida Islaamka inay joojiyaan iibika alaabaha laga keeno France, arrintaasi oo looga jawaabayo hadaladii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha France oo sheegay inuu la dagaalamayo wuxuu ugu yeeray Xagjirka Islaamiyiinta ah.

Cabdirisaq Shino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *