Bannaan-bax looga soo horjeedo Madaxwayne Cagjar oo ka dhacay Doollo

Published: November 9, 2019
Sawir hore – Madaxwayne Mustaf Cagjar

Badi Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dibad-baxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar.

Bannaan-baxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga.

Maanta, mudaharaad ayaa la sheegay inuu ka socdo degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo, kaasi oo looga cabayo mid kamid ah oda-dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar.

Muxiyadiin Xaaji Abiib oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaaanka gobolka Doollo ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta  dhibaatada baahsan iyo bara-kicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan  degaanka Tulli-Guuleed.

Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *