Bannaanbax looga soo horjeedo dilkii Xildhibaanad Juweyriya oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

Published: October 26, 2022
Shares4

Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida waxaa maanta ka dhacay bannaanbax looga soo horjeeday dilkii shalay loo geystay Xildhibaanad Juweyriya oo kamid aheyd Baarlamaanka dowlad degaanka.

Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayey “ilaa caddaaladda la horkeenayo Askariga Xildhibaanada dilay la aasi maayo”.

Xildhibaanad Juweyriya ayaa u geeriyootay rasaas uu furay Askari kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada, kaas oo kamid ah ilaalada Garoonka Diyaaradaha Wiilwal ee Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa sheegay in gacanta lgu haayo Askarigii dilay Xildhibaannada, isla markaana ciqaabteeda uu mari doono.

Horseed Media