Barakac ka bilowday Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran

Published: February 3, 2012

Barakac xoogan ayaa ka bilowday degmada Badhaadhe iyo deegaanada kale ee hoos taga kadib markii ay gacan ku haynta magaaladaas shalay ciidamada Kenya iyo kuwa DKG ah ee Soomaaliya oo iskaashanayaa kala wareegeen Al-shabaab oo iyagu in mudo ah halkaas ka ariminiyey.

Dadka deegaanka Badhaadhe ayaa cabsi ka qaba in ay qarxaan dagaalo u dhexeeya ciidamada huwanta ee Kenya iyo DKG ah iyo Al-shabaab oo iyagu markii ay Badhaadhe ka bexeen sheegay inaan awood looga saarin haseyeeshee ay xeelad dagaal uga bexeen.

Diyaaradaha dagaalka ayaa dul heehaabaya degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran, waxaana cabsida ugu weyn ee ay dadku qabaani tahay duqeyn ay geystaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo dhowr mar oo hore duqeymo ay geysteen dad rayid ah oo badan ku laayey.

Dhinaca kale ciidamada DKG ah iyo kuwa Kenya ayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ka wada duleedka degmada Badhaadhe, waxaana loo badinayaa inay isu abaabulayaan sidii ay ugu ruuqaansan lahaayeen dhinaca gobolka Jubbada Dhexe.

Badhaadhe waa magaaladii ugu horeysey ee ay ciidamada Kenya oo bartamihii bishii October ee sanadkii hore Soomaaliya soo galay ay ka qabsadaan Al-shabaab.

 

Horseed Media