Bashar Al Assad oo xoojiyey duqeynta dhulka ay mucaaridka ku hareen

Published: January 7, 2018

Diyaarada dagaalka ee dowlada Siiriya ayaa xoojiyey duqeynta deegaanka Quuta (Ghouta)ee duleedka caasimada Dimishiq oo ah goobo ay weli go`adoon ku yihiin xoogaga hubeysan ee mucaaridka.

Dad gaaraya 25 qof ayaa la rumeysan inay ku dhinteen duqeyntii dhacday Sabtidii shalay iyadoo deegaankaasi maalmihii lasoo dhaafay ay si joogto ah u duqeenayeen diyaaradaha Bashar Al Assad.

Duqeyntan ayaa ah mid cabsi qeyn ku abuurtay boqolaalka kun ee weli ku nool deegaankaasi oo lagu qiyaaso 400 kun.

Ciidamada Bashar Al Assad oo ku guuleysan waayey inay duulaan ku qabsadaan dhulkaasi ayaa duqeynta doonaya inay cadaadis ku saaraan shacabka oo ay ku eedeenayaan inay gacan siinayaa xoogaga mucaaridka ee deegaankaasi weli ka arrimiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *