Baxrain iyo Qatar oo xiriirkooda diblomaasiyadeed dib u soo celiyey

Published: April 13, 2023

Talaabadan ayaa imaanaysa labo sano kadib markii wadamada dariska ah ay go’aansadeen in ay joojiyaan qaadacaada Qatar.

Wadamada Khaliijka ee Qatar iyo Baxrayn ayaa dib u bilaabaya xiriirkooda diblumaasiyadeed, wakaalada wararka Baxrain ee BNA iyo wasaarada arimaha dibada Qatar ayaa Arbacadii shalay shaacisay.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta , Baxrayn iyo Masar ayaa Janaayo 2021 soo afjaray xayiraad saddex sano iyo bar ah oo saarneyd Qatar. Dhammaan marka laga reebo Baxrain ayaa dib u soo celiyay xiriirkii safarka iyo ganacsiga.

Baxrain iyo Qatar ayaa mid waliba soo saaray bayaan rasmi ah oo uu ku sheegayo go’aanka lagu soo celinayo xiriirka ka dib shir wafdigooda ay ku yeesheen xarunta golaha iskaashiga Khaliijka oo ay ku mideysan yihiin lix dal oo labaduba xubno ka ah, kaasoo ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Khilaafka keenay in afar geesoodka ah ay xiriirka u jaraan Qatar sanadkii 2017-kii ayaa ku qotomay taageerada ay siiso dhaq-dhaqaaqyada islaamiga ah ee loo arko in ay khatar ku yihiin dalalka deriska ah ee Carabta iyo sidoo kale xiriirka ay la leedahay Turkiga iyo quwadda Muslimiinta Shiicada ah ee Iran.

Afarta dowladood ayaa sidoo kale khilaafkooda gaarka ah kala dhaxeeyay Qatar. Si kastaba ha ahaatee qaadacaada ayaa saameyn yar ku yeelatay dhaqaalaha Qatar. Qatar oo sanadkii hore marti galiyay ciyaaraha kubbada cagta aduunka ayaa ka mid ah wadamada ugu qanisan aduunka waxaana sabab u ah kaydka gaaska dabiiciga ah oo aad u badan.

Baxrayn oo ah boqortooyo muslimiin sunni ah oo ay ku nool yihiin dad shiico ah oo badan ayaa aad uga xumaaday xiriirka Qatar iyo Iran. Baxrayn waxa kale oo muran dhuleed kala dhexeeya Qatar, taas oo dib u dhigtey hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Horseed Media