Baydhabo oo laga qaxayo

Published: February 22, 2012

Ciidamada huwantaha ee isugu jira Itoobiyaanka iyo kuwa Dawladda ku meelgaarka ah ayaa kaabiga ku haya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo saddexdii sano ee u danbeysey Xarakada al-Shabaab ay ka talineysey.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku ay magaalada u jraan qiyaastrii 15km iyaga oo u soo fariistey halka la yiraahdo Aw-diinle, waxaa magaalada ka bilowdey in dadku ka qaxaan iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalada wax yeelo ka soo gaarto. Ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa Dawladda ayaa laba maalmood ka hor soo gaarey deegaanka Yurkud ee gobolka Baay, Isla maalintii shalay waxay soo gaareen degmada Bardaale halkaas oo xarakada al-Shabaab isaga baxeen.

Dhanka kale Xarkada al-Shabaab ayaa dagaalka ka sheegtey guulo, waxaana ay sheegeen in ay u daba mareen ciidanka Itoobiyaanka deegaanka Yurkud, isla markaana ay gubeen gawaari faro badan.

Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo xoogan ay ku socdaan goblka Baay si ay al-Shabaab uga xoreeyaan waaa sida hadalka uu u dhigaye.

Gobolka Baay oo lafdhabar u ah Awoodda ciidanka al-Shabaab ayaa haddii uu gacanta u galao ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa Dawladda waxa ay wiiqeysaa awoodii ciidan ee al-Shabaab.

Horseed Media