Berbera: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay guri ku dumay qoys danyar ah

Published: April 26, 2023
Shares26

Guri ku yaalla Magaaladda Berbera gaar ahaanna xaafada Daaroole ayaa ku dumay qoys danyar ah oo deganaa.

Qoyskan ayaa ka koobnaa illaa shan qof, waxaana gurigaas dumey ku geeriyoodey hal qof oo kamid ah qoyskaaasi.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadkii kale ee ku noollaa gurigaas dumey, iyadoo lagu daweynayo Isbitaaladda magaalada.

Gurigan ayaa kamid ahaa dhismayaashii hore ee Magaaladda Berbera taas oo sababtay inuu dumo.

Horseed Media