Berdaale: 6-qof ayaa ku geeriyoodey qarax

Published: February 21, 2012

Ugu yaraan 6-qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu qariyey ayaa kuhaleelay qaari nooca xamuulka qaada ah oo ay dadkaasi la socdeen, wuxuuna gaarigaasi kusii jeedey dhinaca degmada Luuq.

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay kororto maadaama ay dadka dhaawaca ah ku jiraan qaar ay xaaladoodu aad u liidato kuwaasoo ay suurtagal tahay inay dhaawaca u geeriyoodaan.

Miinada gaarigaas ku qaraxday ayaan la sheegin karin inay ahayd kuwa cadaadiska ku qarxa iyo inay ahayd nooca Remote-ka loo adeegsado ee meelaha fog fog laga hago.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli magaalada Berdaale oo ay Shabaabku ka arimiyaan ay kusoo wajahan yihiin ciidamo badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira.

Dhinaca kale dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa magaalada Berdaale, waxaana sidoo kale degmada Baydhabo oo Shabaabka muhiim u ah ku dhow ciidamo kale oo huwan ah kuwaas oo la laga cabsi qabo inay weerar ku qaadaan.

Miinada maanta magaalada Berdaale gaariga kula qaraxday ayaa kusoo beegmeysa xilli goor hore oo maanta ah sidan oo kale gaari ay ciidamo Itoobiyaan ahi la socdeen qarax loogu eegtay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Horseed Media