Biden oo Brussels u tagay sadex shir oo muhiim ah

Published: March 24, 2022

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo khamiis ah gaaray magaalada Brussels ee caasimada Belguim.

Magaaladaasi Brussels oo xarun u ah Midowga Yurub iyo NATO ayaa waxaa ka dhacaya sedex shir oo muhiim ah oo ay yeelanayaan; Midowga Yurub, G7 iyo Isbaheysiga NATO.

Shirarkan ayaa si gaar ah looga hadlayaa dagaalka ka socda Ukraine iyo sidii dalalkaasi kulansan ay siyaasad mideysan oo ku wajahan Ruushka u qaadan lahaayeen.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa inta uu Yurub ku sugan yahay la filayaa inuu sidoo kale ku dhawaaqo cunaqabateyn cusub oo uu Maraykanka saari doono Xildhibaanada Baarlamaanka Ruushka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *