Booliska Beledweyne Oo Gubay Maandooriyaha Khamriga

Published: October 10, 2020

Ciidamada booliiska Beledweyne ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo tiradoodu gaarayso 197 dhalo, waxaana goob joog ka ahaa maayarka Beledweyne, guddoomiyaha maxkamadda gobolka, taliyaha saldhigga booliiska iyo taliyaha qeybta boliiska gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka ayaa khamrigan gacanta ku dhigay xili loo wadey magaalada Muqdisho kadib markii lagu soo qariyey qalab ganacsi.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka C/raxiin Taakoy iyo maayarka magaalada ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Beledweyne.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in maxkamadda loo gudbin doono eedeysanayaashi lagu soo qabtay maandooriyahaan halista ku ah bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. hakadaalina.howshaad.waddaan
    hagar.daamada.shacabka.oo.loo
    heshiiyey.hor.istaaga.hunguridoonka
    haleeyey.ilmeheenna.horistaaga

    WAA.MAHADSANTIHIIN