Booliska Kenya: 30 qof oo Rayid ah ayey Shabaabku dileen

Published: February 18, 2012

Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in mileeshiyada Al-shabaab ee qaybta ka ah shabakadda Al-qaacida ay toogteen 30 qof oo rayid Kenyana ah laga soo bilaabo xiligii ay Mileteriga dalkaasi Soomaaliya u tallaabeen.

Eric Kiraithe ayaa sheegay in dilalkaas ay geysteen dadka Shabaabka taabacsan, wuxuuna intaas ku daray in intooda badani ay ka dheceen magaalooyinka ku yaal xuduudka ay labada dal ee Kenya iyo Somalia wadaagaan.

Booliska Kenya ayaa dhinaca kale sheegay in dhalinyaro badan oo Kenyan ah ay Shabaabku qorteen si ay uga garab dagaalamaan, waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli dhowaan xarakada Al-shababa ay si rasmi ah ugu biirtay urur weynaha Al-qaacida.

Col. Cyrus Oguna oo isna ah afhayeenka Mileteriga Kenya ayaa sheegay inay madax dhaqameedka iyo culimada diinta ee Soomaalida qaarkood kala arinsadeen sidii xoriyadooda loo siin lahaa in ka badan 10 askari oo ay Shabaabku maxaabiis ahaan u haystaan.

” Laga soo bilaabo xiligii uu howlgalka ciidamada Kenya bilowday waxay Soomaaliya gudaha u galeen 68-mile (110km), haseyeeshee waxaa hakiyey gargaarka bini aadminimo ee ay bulshada Soomaaliyeed qaybo kamid ah u fidinayaan” Cyrus Oguna ayaa yiri.

Hadalkan kasoo yeeray laamaha ammaanka ee ciidamada Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay dhowaan si rasmi ah isugu biiriin Al-qaacida iyo Shabaabka oo Kenya ay u aragto in ay ammaanka dalkeeda khatar weyn ku yihiin.

 

Horseed Media

Xigasho: AP