Booliska Puntland oo Garoowe ku gubay 14 jawaan oo jaad ah.

Published: April 7, 2020

Ciidamada Booliska Puntland ayaa hawl-gallo ay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Garoowe waxay ku gubeen 14 jawaan oo qaad ah kuwaas oo si dhuumalaysi ah loogu gadayay gudaha Caasimada.

Qaadkaan ayaa lagu gubay Goob Fagaare ah oo ku taala duleedka Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Dawlada ayaan goob-joog ka ahaa, sidoo kalena waxaa loo yeeray warbaahinta.

Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland , oo hadal kooban ka jeediyay ayaa Ciidanka ku amray in ay dagaal toos ah ku qaadaan dadka caadaystay soo gelinta Qaadka laga mamnuucay Puntland.

Taliyaha Ciidamada boolisku waxa uu intaas ku daray in wixii maanta ka bilowda dhammaan la qa-qabto Haweenka Jaadka gada, islamarkaana laga ja-jebiyo  Kabarada Qaadka, si loo dhaqan-geliyo Amarkii dowladdu ku mamnuucday Jaadka ee la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus.

Ugu danbayna  waxa uu tilmaamey in dhammaan gaadiidka soo geliya Qaadka iyo guryaha la geeyo labadaba ay dowladdu la wareegi doonto, haddii mar dambe lagu qabto, isagoo uga digay dadka gaadiidka iyo guryahaas leh in ay ka waantoobaan soo gelinta Qaadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *