Booliska Puntland oo soo qabtey nin diley laba dhalinyaro ah

Published: February 15, 2024

Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe ayaa gacanta ku dhigey nin dil ka geystey Garoowe habeenkii Arbacadu soo geleysey ee 13 Feb 2024.

Dilka ayaa ka dhacay bariga magaalada Garoowe, waxaana lagu diley laba dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Sharmaarke Ismaaciil Weyrax iyo Cabdifataax Cabdiraxmaan Shuuqe.

Ninka dilka geystey ee la soo qabtey ayaa lagu magacaabaa Ayuub Shiino, waxaana uu qirtey in isagu dilka geystey, wuxuu sheegay in xabbad uu ku dhuftey Cabdifataax Shuuqe ay ka baxdey oo u gudubtey Sharmaarke oo isla goobtaas ku dhintey, kadib waxa uu xabado badan oo kale ku dhuftey Cabdifataax oo ahaa ninka ay ka baxdey xabaddu oo uu doonaayey in uu dilo, sidaasna uu isagu labada nin ku diley.

Qoyska saddexda reer ayaa Booliska hortiisa ku kala saxiixdey maanta oo khamiis ah, waxaana la isku raacey in labada meyd maanta la aaso.

Dilalka dhalinyarada ayaa aad u soo badanaya, waxaana sababta ugu weyn tahay isticmaalka maandooriyaha. Waxaa lagu arkaa jidadka magaalooyinka dhalinyaro khamro si xun u cabbey kuwaas oo hub sita gawaarina wata taas oo ah khatar aad u weyn.

Horseed Media