Dil ka dhacay habeenkii xalay Caasimadda Puntland ee Garoowe

Published: February 14, 2024

Laba dhalinyaro ah ayaa lagu diley habeenkii xalay magaalada Garoowe, kadib markii muran dhex marey koox dhalinyaro ah oo ku caweyneysey banaanka magaalada.

Sharmaarke Ismaaciil Weyrax iyo Cabdifataax Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe) ayaa lagu kala sheegay magacyada labada dhalinyarada ah ee lagu diley bariga magaalada Garoowe.

Sida wax u dhaceen oo ilaa hadda baaritaan ku socdo ayaa warar hordhac ah sheegayaan in gacan saddexaad oo kale ay jirto oo dilka qayb ka ahayd.

Wararku waxay sheegayaan in dhalinyaradu ka yimaadeen xaafadda Laanta Hawada ee dhanka bari magaalada Garoowe halkaas oo ay uga qaybgaleen xaflad ay ugu dabaaldegayeen 14 Febraayo.

Meydka labada dhalinyarada ah ayaa la geeyey isbitaalka Qaran ee magaalada waxaana socda baaritaan.

Horseed Media