Booqashada Nancy Pelosi ee Taiwan oo xaaladda uga sii dartey

Published: August 3, 2022
Shares12

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa ka degtey dalka Taiwan, waa sarkaalkii u sareeyey ee ka socda Maraykanka oo Taiwan booqda muddo 25 sano ah.

Nancy Pelosi Taiwan

Booqashada Pelosi waxaa si weyn uga digtey dalka Shiinaha oo u arka daandaansi, maadaama Taiwan u aqoonsan yihiin dhul ka tirsan Shiinaha, waxaana ay biyaha iyo hawada ku hareereyasan Taiwan ka bilaabeen dhoolatus Mieleteri, iyaga oo ka digey cawaaqib xumo.

Nancy Pelosi ayaa magaalada Taipei kula kulantay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen Arbacada maanta ah, halkaas oo afhayeenka aqalka wakiillada ee Mareykanka uu ku tilmaamay in jasiiradda Taiwan ay tahay mid ka mid ah bulshooyinka ugu xorriyadda badan adduunka.

Pelosi waxay muujisay taageerada “aan leex-leexadka lahayn” ee Maraykanku u hayo Taiwan kadib markii ay aqbashay hadiyad sharafeed rayid ah, oo Madaxweyne Tsai ay guddoonsiisey.

“Waxaan rabnaa inaan iskaashi sameyno oo aan si wadajir ah ula shaqeyno dhammaan dimoqraadiyada adduunka,” Tsai ayaa tiri ka dib markii ay abaal marinta guddooniisey Pelosi.

Pelosi ayaa lagu wadaa in ay ka khudbad ka jeediso Baarlamaanka Taiwan.

Lee Kai-dee, oo ah cilmi-baare 71 jir ah hawlgab ah, ayaa u sheegay wakalada AFP “Maraykanku waxa uu Taiwan u adeegsadaan sidii uu uga hortagi lahaa Shiinaha, si uu isugu dayo in uu Shiinaha hoos u dhigo si uu dunida keligiis u xukumo.”

“Haddii Maraykanku uu sidan ku sii socdo, Taiwan waxay ku dambayn doontaa sida Ukraine.”

Shiinaha ayaa wacad ku maray in uu maalin uun xoog ku qabsan doono Taiwan oo iskeed isu xukunta oo dimuqraadi ah, haddii loo baahdo, waxaa hadda cabsi weyn laga qabaa in uu cunno qabateyn saaro Taiwan.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo ayaa sare u qaaday cabsida Taiwan ee ah in Shiinaha laga yaabo inuu si la mid ah u raaco hanjabaadiisa ah inuu ku darsado jasiiradda.

Waxaa heegan sare la geliyey ciidamada Taiwan, waxaana dalku wada hadal la galay Japan iyo Filibiin si ay hawadooda u isticmaalaan haddii Shiinuhu talaabo qaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *