Boosaaso: Rag la shaqaysan jirey Alshabaab oo maxkamada ciidamada la horkeenay

Published: May 19, 2024

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee 5’ta Gobol ayaa maanta magaalada Boosaaso u fariistay dhageysiga rag lagu eedeeyey ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab iyo gaadiid ay ku shaqaysanayeen.

Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si ay howlgallo dilal ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay markii dabagal lagu sameeyay labo kiis oo dil ah oo magaalada Boosaaso ka dhacay. Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in ragga dilka geystay lagu qaaday gaadiid Brobox ah oo ay lahaayeen eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenay.

Caddeymaha ay xeer ilaalintu soo bandhigtay ayaa waxaa kamid ah moobaylka mid kamid ah labada nin ee la dilay, kaasoo laga dhex helay mid kamid gaadiidka loogu adeeggayay Alshabaab.

Horseed Media