Britain oo bixinaysa lacag looga hortagayo Ayaxa

Published: July 23, 2020

Midowga Boqortooyada (UK) ayaa Soomaaliya ka taageeraysa la dagaalanka ayaxa aafeeyey dhulka xooluhu daaqaan, iyo dallaga beeraha, kadib roobabkii iyo fatahaadihii dalka ka dhacay, sidaas waxaa lagu sheegay war sasxaafadeed ka soo baxay Dowladda Britain ayaa lagu yiri

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee UK Anne-Marie Trevelyan ayaa ku dhawaaqday £18 milyan oo dheeri ah oo wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatey Ayaxa. Waxay ku dhawaaqday lacagtan xilli ay booqatay shirkad British ah oo la yiraahdo Micron Group, oo siisa daawada sunta cayayaanka, Ururka Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

Ayax ku habsadey Bariga Afrika ayaa kor u kacay 20 jeer tan iyo bishii Maarso 2020. Soomaaliya gudaheeda, ayaa laga dareemaayey qulqulaad cusub oo ayax ah, qulqulka cusub ayaa ku soo beegmaya xilli roobkii gu’gu si wanaagsan u da’ay lana filaayo dayrtu in ay bilaamato xiliyada soo aadan. FAO waxay saadaalineysaa in 15-25% hoos u dhac ku yimid goosashada dallaga beeraha.

Bulshooyinka nugul ayaa qarka u saaran inay gaajo u dhintaan maxaa yeelay Ayax aad u tiro badan oo ka dillaacay dhulkaas tobanaan sano kadib, oo ay uga sii dartay cudurka faafa ee coronavirus., ayey tiri

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee UK Anne-Marie Trevelyan

Lacagta cusub ee Britian bixineyso ayaa la soo marsiin doonaa hay’adda FAO si looga caawiyo xakameynta kororka ayaxa ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya, Yemen iyo Koonfur Galbeed Aasiya, iyo sidoo kale yareynta halista in ay ku faafo Sahel.

Horay ayaa dowladda britain ugu deeqdey £8 milyan oo wax looga qabanayo Ayaxa taas oo la soo marsiiyey hay’adda FAO.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *